Bosaso Media
Bosaso Media
Admin
Google Somali
Reproter login
Home
Somali News
News In English
Interviews
Editorial
Features/Opinion
Faalada Todobaadka
Business News
Sports
Science/Technology
Gallery
Somali Songs
Video
BBC radio
BBC 04:00 GMT
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radiogaalkacyo
Radiogalkacyo
RG
www.allradiogaalkacyo.com
VOA radio
Wararka 1300
Wararka 1600
Wararka 1700
Other links
Google Somali Google Somali
355X100
350X100
somali_news
Sat 06 Feb 2010
Bosaso Media News Desk
MUQDISHO: Dowladda KMG ah oo dagaal isku diyaarinaysa ciidam

Muqdisho(Bosaso-media)-

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidamo horleh oo ay kula dagaalamayso kooxaha kacdoonka wada ee dagaalada kala soo horjeed, waxaana meelo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah inta ay ka arrimiso Dowladda KMG ah ay digtay ciidamo farabadan oo ay doonaysa in ay dagaal galiso kuna weerarto meelaha kooxaha ka soo horjeeda ay ka joogaan magaalada Muqdiso.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan ku daadisay meelo badan oo dowladda Soomaaliya muhiim u ah, waxaana dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay dhawaan qorshaynaysaa in ay dagaal xoogan ku qaado maleeshiyaad hubaysan ee dagaal kula jira.

Inta u dhexaysa Muqdisho iyo afgooye ayaa ka mid ah meelaha dowladda Soomaaliya ay Ciidamadaan ku daadisay, waxaana dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay cabsi balaaran ka qabaan in daaglo xoogani ay magaalada Muqdisho ka qarxaan.

Magaalada Muqdisho oo inta badan ay ka dhacaan dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ayaa hadda waxaa laga dareemayaa jawi dagaal oo laga yaabo in mar walba uu dagaal ka qarxo.

Sidoo kale ururka Al-shabaab ee ugu tunka weyn kooxaha Mucaaradka ah ee dagaalada kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna ciidamo farabadan soo dhoobay gobolada Koonfureed ee ku dhow dhow magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalada lagu wada in ay ka qarxaan magaalada Muqdisho ee Caasumada dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale haddii dagaalo ay magaalada Muqdisho ka qarxaan ayaa waxaa ay fursad qaali ah u noqonaysaa Ururka Ehlusunah waljameeca oo iyagu mowqufka kala midaysan Dowladda Soomaaliya.

Axmed Kilwe

bosasomedia, Gaalkacyo.



 
For more
Somali News
click here
 
 
Your vote is very important to us
MAXAY KULA TAHAY AKHRISTOOW:: MA HABOON TAHAY IN CIIDAMO SHISHEEYE AY SOO FARA GELIYAAN SOOMAALIYADA GUBANEYSA
Yes:
No:

Waraysiyada raadiyaha
Faroole: VOA DAD JIRAN QABIIL DILODEY BAA KAHADLA
Wararka Soomaaliya & Radio Galbeedka Melbon 05 Jan. 2010
Somalia iyo Dhacdooyinkii 2009
Wararka Soomaaliya & Radio Galbeedka Melbon 30 DECEMBER
Xayeysiis


Home Somali News News In English Interviews Editorial Features/Opinion Faalada Todobaadka Business News Sports Science/Technology Gallery Somali Songs Video

Admin login - Reporter login - Contact us

All rights preseved - Bosaso Media Online - Designed by: www.ganacsigeena.com