Bosaso Media
Bosaso Media
Admin
Google Somali
Reproter login
Home
Somali News
News In English
Interviews
Editorial
Features/Opinion
Faalada Todobaadka
Business News
Sports
Science/Technology
Gallery
Somali Songs
Video
BBC radio
BBC 04:00 GMT
BBC 11:00 GMT
BBC 14:00 GMT
BBC 18:00 GMT
Radiogaalkacyo
Radiogalkacyo
RG
www.allradiogaalkacyo.com
VOA radio
Wararka 1300
Wararka 1600
Wararka 1700
Other links
Google Somali Google Somali
355X100
350X100
somali_news
Sun 07 Feb 2010
Bosaso Media News Desk
MUQDISHO: Dowladda Soomaaliya oo alshabaab ku eedaysay dab d

Muqdisho(Bosaso-media)-

Dowladda KMG ah ayaa maanta ku eedaysay ururka Al-shabaab inuu mas'uul ka yahay gubashadii qeybo kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha oo habeeno kahor uu qabsaday dab xooggan kaas oo baabi'iyey hanti fara badan.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga dowladda KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka Al-shabaab uu ka dambeeyey gubashadii qeybo kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha.

Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in shaqsiyaad katirsan ururka Al-shabaab ay lahaayeen Shidaalkii ku gubtay suuqa Bakaaraha islamarkaana ay si bareer ah dab u qabadsiiyeen iyagoo arrintaas ka leh ujeedooyin gaar ah.

"Nimaankaan mooryaan diimeedka ah ayaa gubay suuqa Bakaaraha, iyago doonaya inay ganacsatada hanti uga dhacaan, Dowladdu ganacsatada waxay uga digaysaa in hantida la aruurinayo ay gacanta u galiyaan Al-shabaab" ayuu yiri Yuusug Maxamed siyaad Indhacadde.

Indhacadde ayaa meesha ka saaray eedeyn ay dowladda KMG ah u jeediyeen xoogagga hubaysan oo aheyd inay ka dambeeyeen gubashadii suuqa Bakaaraha, waxaana uu sheegay in dowladda KMG ah ay arrinkaas Berri ka tahay.

Si kastaba ha ahaatee ururada Al-shabaab iyo Xizbul Islaam ayaa horay dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM waxa ay ugu eedeeyeen inay mas'uul ka ahaayeen gubashadii suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Axmed Cali Kilwe

axmedkilwe2009@hotail.com

Bosasomedia News Desk,Gaalkacyo.



 
For more
Somali News
click here
 
 
Your vote is very important to us
MAXAY KULA TAHAY AKHRISTOOW:: MA HABOON TAHAY IN CIIDAMO SHISHEEYE AY SOO FARA GELIYAAN SOOMAALIYADA GUBANEYSA
Yes:
No:

Waraysiyada raadiyaha
Faroole: VOA DAD JIRAN QABIIL DILODEY BAA KAHADLA
Wararka Soomaaliya & Radio Galbeedka Melbon 05 Jan. 2010
Somalia iyo Dhacdooyinkii 2009
Wararka Soomaaliya & Radio Galbeedka Melbon 30 DECEMBER
Xayeysiis


Home Somali News News In English Interviews Editorial Features/Opinion Faalada Todobaadka Business News Sports Science/Technology Gallery Somali Songs Video

Admin login - Reporter login - Contact us

All rights preseved - Bosaso Media Online - Designed by: www.ganacsigeena.com